Wednesday, February 5, 2025

Wasiir Cali-xoosh oo xilka u kala wareejiyay guddoomiyaha cusub ee hey’adda qaxootiga iyo guddoomiyihii hore

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta xilka u kala wareejiyey mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda marwo Safiya Xasan Maxamed.

Mudane Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha Cusub mudnae Axmed Xuseen Cilmi dardargelinta shaqada hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha oo muhiimadda gaar ah u leh Qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii hore marwo Safiya howlihii ay soo qabatay.

Mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa sheegay inuu daradar galin doono u qidmaynta Qaranka iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadkeenna tabaalaysan gaar ahaan Barakacyaasha, Qaaxootiga iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 04/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Israel oo sheegtay in nin hubeysan ay ku dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israel waxay sheegeen in ciidankooda ay dileen nin...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay safiirka Falastiin ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles