Wasiir Fiqi oo Hanjabaad culus u diray Mucaaradka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadallo kulul u jeediyay mucaaradka, isaga oo ku tilmaamay “qaaqlayaal” aan awood u lahayn inay qori ku qaataan magaalada Muqdisho.

“Mucaaradku waa qaaqlayaal, qof qori Muqdisho ku qaadan karana ma jiro. Anigoo Wasiirka Gaashaandhigga ah ayaa dhahaya; waxaa ka dhici doonta Yaahuud maa tihiin xaqiidii, bootadaas waa dhammaatay.”

Wasiirka ayaa sidoo kale dhaliilay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay inuusan garan sababta loogu xushay xilkaas, isla markaana ku tilmaamay nin “iska maahsan.”

Sidoo kale wuxuu si toos ah u dhaliilay Xasan Cali Kheyre, isagoo xusay in hadalladiisa ku saabsan dastuurka aysan wax micne ah lahayn, isagoo ku eedeeyay inuu ka tirsanaa siyaasiyiinta weerarka ku ah dowladda.

Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in kulammada ay mucaaradku ku yeeshaan madashooda aysan wax xikmad ah ku jirin, isagoo ku tilmaamay “wax aan faa’iido lahayn.”

Hadallada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo arkaa digniin culus oo ka dhan ah mucaaradka, iyadoo muujineysa xiisadda sii kordheysa ee siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles