Monday, February 16, 2026

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Soomaaliya oo maanta hortagay Labada Aqal ee BFS

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa wadajirka ah ee afaraad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 139-xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-Senator oo Aqalka sare ah, waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta koowaad xeerka qoondada miisaaniyadda ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Wasiiru kuxigeenka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa mudanayaasha labada ee Baaelamaanka Dalka la wadaagay Akhrinta koowaad ee warbixinta miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo qeybaha ay ka koobantahay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray guddiyadda maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta labaad ee miisaaniyadda si ay uga doodaan mudanayaasha labada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa...

Midowga Afrika oo si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga...

Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar,...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo weli ka socda dalka Itoobiya

Midowga Afrika oo xaruntiisa ku taalla magaalada Addis Ababa...

Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles