Tuesday, November 18, 2025

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Soomaaliya oo maanta hortagay Labada Aqal ee BFS

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa wadajirka ah ee afaraad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 139-xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-Senator oo Aqalka sare ah, waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta koowaad xeerka qoondada miisaaniyadda ee sanadka 2025, oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Wasiiru kuxigeenka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa mudanayaasha labada ee Baaelamaanka Dalka la wadaagay Akhrinta koowaad ee warbixinta miisaaniyadda Qaranka 2026 iyo qeybaha ay ka koobantahay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray guddiyadda maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta labaad ee miisaaniyadda si ay uga doodaan mudanayaasha labada.

WARARKII KALE

Trump oo u mahadceliyay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump ayaa uga mahadceliyay hogaamiyayaasha caalamka...

Xamaas oo diidday qorshaha Trump ee Qasa

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amniga...

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles