Wasiirka amniga oo Kampala kula kulmay dhigiisa Uganda

Wasiirka amniga gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Kampala Wasiirka amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon Jim Katugugu Muhwezi.

Kulanka labada Wasiir ayaa xoogga lagu saaray iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada, isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka, iyo tababarrada ciidamada amniga ee labada dowladood.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Uganda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ku leedahay hawlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada wasaaradood.

Dhankiisa wasiirka amniga ee Uganda, Hon. Jim Muhwezi ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hormarineyso amniga gudaha iyo dib u dhiska hay’adaha amniga, isagoo ballan qaaday in Uganda ay sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga amni ee labada dal.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles