Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta, dardargelinta wajiga labaad ee barnaamijka JPP iyo ka hor-tagga askareynta carruurta.

Wasiirka Amniga Gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyey danjiraha taageerada kala duwan ee ay siiyaan hey’adaha amniga Dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga, si loo gaaro horumar wax ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo guulaha la gaaray.

Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan arrimaha mudnaanta weyn leh, sida amniga caasimadda iyo xaqiijinta barnaamijyada lagu taageerayo hey’adaha hey’adaha amniga Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles