Saturday, December 13, 2025

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhameystirka dooda akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ay aragtiyadooda ka dhiibteen qodobada hindise sharciyeedka iyaga oo ku saleynaya mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedka, maadaama uu marayey akhrinta koowaad, sida uu qabo Xeerhoosaadka Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka inuu soo diyaariyo akhrintiisa labaad dibna golaha ugu soo celiyo si looga doodo.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dhisida Hay’adda Adeega Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhisidda Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dheddiga iyo Axdiga Xakameynta Tubaakada.

WARARKII KALE

Eritrea oo ka baxday IGAD xilli xiisadda kala dhexeysa Itoobiya sii kordhayso

Dowladda Eritrea ayaa sheegtay inay ka baxday xubinimadii Urur...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Burundi oo Muqdisho Kulan Amni kula yeeshay Madaxa AUSSOM

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya...

Dil toogasho ah oo lagu fuliyay Askari qof Shacab ah u dilay labo doolar

Maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta dil toogasho ku...

Golaha Ammaanka ee QM oo Cusboonaysiiyay Cunaqabataynta Ka Dhanka ah Al-Shabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si wadajir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles