Dil toogasho ah oo lagu fuliyay Askari qof Shacab ah u dilay labo doolar

Maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta dil toogasho ku fuliyey askari ka tirsanaa ciidanka booliska gaarka ah ee KGS, kadib markii lagu helay dilka nin shacab ah oo musaafir ahaa, kaas oo uu u dilay lacag dhan laba doolar ($2).

Askari oo lagu magacaabi jiray Cabdisamad Xasan Madnuur, oo ka tirsanaa Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii Xeer-ilaalinta ay ku soo eedeysay dilka marxuum Cabdiwahaab Cabdiraxmaan Yuusuf. Xukunkaas ayaa maanta laga fuliyey xadka qisaasta ah.

Dilkan ayaa ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Baay dhammaadkii bishii Nofeembar 2025, kaddib muran lacageed oo u dhexeeyay eedeysanaha iyo marxuumka, kaas oo ku saabsanaa lacag dhan $2, kuna dhammaaday gacan-ka-hadal sababay in askarigu toogasho ku dilo ninka musaafirka ahaa.

Goobta dilka toogashada oo ah Tiirka Cadaaladda ee duleedka degmada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka Fuulka Cali Deer, ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, iyo ehelada marxuumka.

Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir, ayaa munaasabadda ka sheegay in xukunkaasi uu fariin cad u dirayo ciidamada, isagoo ugu baaqay in hubka ay u adeegsadaan la dagaallanka cadowga, isla markaana aysan ku xadgudbin shacabka ay u dhaarteen ilaalintooda.

Dhanka kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad ayaa sidoo kale xukun laba sano oo xabsi ciidan ah ku riday Salaad Ibraahim Xuseen (Salaad Yare), kadib markii lagu helay inuu ku lug lahaa falal burcadnimo oo sababay dil iyo dhaawac shacab ah, kuwaas oo ka dhacay waddada isku xirta gobollada Baay iyo Gedo.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles