Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Burundi oo Muqdisho Kulan Amni kula yeeshay Madaxa AUSSOM

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka Burundi, S/Guud Habimana Jean Paul.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waajibaadka AUSSOM, xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Midowga Afrika iyo Burundi, iyo sare u qaadista dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, iyada oo si buuxda loo taageerayo dadaallada nabadda iyo xasillinta ee ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjire Hadji Ibrahima Diene ayaa si gaar ah u ammaanay doorka Burundi, isaga oo ku tilmaamay waddan si joogto ah uga go’an nabadda iyo amniga Soomaaliya, isla markaana muujiyay xirfad, geesinimo iyo naf-hurnimo ay ciidamadeedu ku bixiyeen hawlgallada Midowga Afrika.

Dhankiisa, S/Guud Habimana Jean Paul ayaa carrabka ku adkeeyay in Burundi ay sii wadi doonto taageerada ay siiso AUSSOM, islamarkaana ay ka go’an tahay la shaqeynta hay’adaha amniga Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.

Ciidamada Burundi oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa si joogto ah u taageera dowladda Soomaaliya dadaallada lagu sugayo amniga, islamarkaana lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyo argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles