RW Xamsa oo magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta sameeyay isbeddel kooban ku sameeyay golaha Wasiirrada Xukuumadda Danqaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, halka Xil. Ayuub Ismaaciil Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Isbeddelkan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo sheegay in magacaabistu ay dhaqan gashay, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo waxqabadka hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS ayaa labada Wasiir ee cusub kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo adeegyada ay wasaaradahoodu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles