Wednesday, June 24, 2026

Wasiirkii ugu horreeyay UK oo Suuriya booqda tan iyo 2011

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee UK oo booqasho ku taga dalka Suuriya tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen kacdoonnadii horseeday dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka bilowday 14 sano ka hor.

Lammy waxa uu la kulmay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya Ahmad al-Sharaa siddeed bilood ka dib burburkii dowladdii Asad iyo iyada oo dawladda cusub ee Islaamiga ah ay sii waddo inay gacanta ku dhigto xukunka waddanka.

Booqashada ka sokow, dawladda UK waxay ku dhawaaqday xirmo taageero ah oo dhan £94.5m si loogu daboolo gargaarka bini’aadantinimo iyo taageeridda soo kabashada muddada dheer ee gudaha Suuriya iyo dalalka caawinaya qaxootiga Suuriya.

Lammy ayaa BBC-da u sheegay in ujeeddada kulankiisu ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa dowlad loo dhan yahay, hufnaanta iyo isla xisaabtanka dowladda cusub.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles