MW Xasan Sheekh iyo Dhigiisa Masar oo kulan xasaasi ah yeelanaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kulan rasmi ah kula yeelan doono dhiggiisa dalka Masar, Madaxweynaha Cabdel-Fataax Al-Sisi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga wada hadli doono xaaladda cakiran ee Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda ka taagan damaca Itoobiya ee ku aaddan xannibaadda biyaha Webiga Nile.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli gobolka uu wajahayo xiisado isa soo taraya, iyadoo Itoobiya sheegtay inay dhowaan bilaabi doonto xarrigga biyaha kanaalka Nile si ay koronto uga dhaliso biyo-xireenka ay ka dhistay webiga Abay (Nile). Arrintaas ayaa si weyn uga caraysiisay dowladda Masar oo u aragta mid khatar ku ah amnigeeda biyo iyo masiirka qarankeeda.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in Itoobiya ay dacwo ka keentay dalka Eritrea, iyadoo ku eedeysay inuu qorsheynayo weerar gudaha Itoobiya ah muddo saddex bilood gudahood ah, taasoo sii hurineysa xiisadda gobolka.

Waxaa sidoo kale la xasuusan yahay in xiisadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya hoos loo dhigay, kaddib wada-hadalladii ka dhacay magaalada Ankara iyo is-dhaafsiga booqashooyinka rasmi ah ee Madaxda labada dal.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay xafladda xarig-jarka biyo-xireenka cusub, taasoo haddii uu Madaxweyne Xasan ka qeyb galo laga dhaxli karo dareen siyaasadeed oo adag, maadaama Masar iyo Suudaan ay si cad uga soo horjeedaan mashruucaasi.

Dowladda Masar ayaa si weyn uga shaqeyneysa in Soomaaliya ay ka baaqato ka qeybgalka xafladdaasi, iyada oo u aragta mid qeyb ka ah muranka xooggan ee ka taagan biyaha Webiga Nile.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles