Waxaa maanta cirka isku shareertay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii tiro wasiirro ah oo ka soo jeeda maamulkaas loo diiday inay u safraan magaalada Baydhabo.
Wasiirradan oo la sheegay inay qeyb ka yihiin kuwa Koonfur Galbeed, ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Maxamed Ibraahim Barre, Waxaa sidoo kale ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Saciid Axmed Cali, Wasiirka Dekadaha Maxamed Xaaji Cismaan, iyo Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Yuruf.
Wasiirka Cadaalada Maxamed Ibrahim oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in aysan ka fileyn Dowladda tallaabadii maanta lagula kacay waxaana uu cadeeyay in arintaani ay tahay kutumasho Dastuurka dalka.
Wararka ayaa tilmaamaya in masuuliyiintan laga hor istaagay safarkooda xilli ay ku sugnaayeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay doonayeen inay uga dhoofaan Baydhabo.
Wasiirka Caafimaadka Saciid Axmed Cali ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook si kulul uga hadlay arrinta, isaga oo ku eedeeyay hay’adaha ammaanka inay si gaar ah u bartilmaameedsadeen isaga iyo masuuliyiinta kale ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.
Wuxuu sheegay in xitaa loo diiday inuu helo kaarka raacitaanka diyaaradda (boarding pass), isla markaana aan loo oggolaan inuu galo gudaha hoolka garoonka, inkastoo xubnihii kale ee safarka la socday ay halkaas ku sugnaayeen.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay si ula kac ah u joojisay duulimaadyadii u socday Baydhabo maalintii labaad oo xiriir ah, taasoo uu ku tilmaamay mid lagu dhibaateynayo shacabka iyo masuuliyiinta Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, weli wax jawaab rasmi ah kama aysan soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymahaasi culus, inkastoo tallaabadan ay imaneyso xilli uu khilaaf siyaasadeed sii xoogeysanayo oo u dhaxeeya labada dhinac.


