Friday, July 17, 2026

Wasiiru dowlaha Soomaaliya Cali Balcad oo la kulmay Dhiggiisa dalka Ethiopia

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa maanta kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, Danjire Mesganu Arega.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in kulankan ay labada wasiir ka wadahadleen arrimo la xiriira madaxbanaanida,midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

“Intii uu socday kulanka, labada Wasiir waxay markale xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan in la xoojiyo wadahadalka iyo xiriirka shaqo ee labada dal, iyagoo sidoo kale ballanqaaday ilaalinta madax bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu xusay dagaalkii ka dhacay shalay magaalada Doolow.

“Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo.”

“Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, wuxuuna xaqiijiyay rabitaankooda ah inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,si looga hortago dhacdooyin la mid ah mustaqbalka.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo lala dagaallamayo argagixisada, iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal si la isku waafajiyo dadaallada hirgelinta buuxda ee Baaqa Ankara, kaas oo ah tallaabo wanaagsan oo lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya labada dal tan iyo Janaayo 2024.
Wadahadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirkii difaaca Jabuuti oo geeriyooday

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday,...

Aqalka Sare oo u yeeray Wasiir Mukhtaar Roobow iyo eedeymo culus oo lagu haysto

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka,...

Heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Golaha Wasiirrada oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Rugta Ganacsiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh...

Turkiga oo Adkeeyay Taageerada Soomaaliya iyo Dalalka Kale ee Gobolka

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles