Weerar cir iyo dhul ah oo lagu qaaday degmada CeelBaraf

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus oo isugu jira cir iyo dhul ku qaaday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay dhawaan la wareegeen kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka huwanta ah oo garab ka helaya diyaarado dagaal oo saaxiibada caalamka leeyihiin ayaa hareereeyay deegaanka Ceelbaraf, waxa ayna ciidamada doonayaan in ay laayaan dhammaan xubnaha Al Shabaab ee ku sugan Ceelbaraf.

Weerarkan maanta lagu qaaday deegaanka Ceelbaraf ayaa imaanaya xilli shalay dagaallamayaal badan oo katirsan Al Shabaab lagu laayay deegaanka Al Kowthar ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay kusoo qaadeen weerar lagu fashiliyay/

Al Shabaab ayaa dib usoo abaabushay weeraro xooggan ay ku qaadayaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana Al Shabaab weerarada ay soo qaaday kasoo gaaray khasaaro xooggan , kaddib duqeymo culus iyo difaac xoog leh oo ay la kulmeen.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles