Saturday, March 22, 2025

Weerar cir iyo dhul ah oo lagu qaaday degmada CeelBaraf

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar culus oo isugu jira cir iyo dhul ku qaaday deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay dhawaan la wareegeen kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka huwanta ah oo garab ka helaya diyaarado dagaal oo saaxiibada caalamka leeyihiin ayaa hareereeyay deegaanka Ceelbaraf, waxa ayna ciidamada doonayaan in ay laayaan dhammaan xubnaha Al Shabaab ee ku sugan Ceelbaraf.

Weerarkan maanta lagu qaaday deegaanka Ceelbaraf ayaa imaanaya xilli shalay dagaallamayaal badan oo katirsan Al Shabaab lagu laayay deegaanka Al Kowthar ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay kusoo qaadeen weerar lagu fashiliyay/

Al Shabaab ayaa dib usoo abaabushay weeraro xooggan ay ku qaadayaan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana Al Shabaab weerarada ay soo qaaday kasoo gaaray khasaaro xooggan , kaddib duqeymo culus iyo difaac xoog leh oo ay la kulmeen.

 

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles