Ugu yaraan 40 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay Sabtidii weerarro cusub oo ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen Gaza, iyadoo hay’adaha gargaarku ka digayaan xaalado macaluul baahsan oo halkaas ka jira, sababo la xiriira xayiraadda Israa’iil.
Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan heshiis dhamaystiran oo lagu gaari karo xabbad joojin, is-weydaarsi maxaabiis iyo dib-u-dhis, iyada oo wadaxaajoodkaas uu ka socdo magaalada Qaahira ee Masar.
Magaalada Tel Aviv, kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa dibad-baxyo ballaaran dhigay, iyagoo ka dalbanaya Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu joojiyo dagaalka oo uu soo daayo 59-ka qof ee wali lagu haysto Gaza.
Tan iyo bilowgii dagaalka 18 bilood kahor, ugu yaraan 51,495 Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, halka tirada guud ee dhimashada, sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta Gaza, haatan kor u dhaaftay 61,700 oo qof, iyadoo kumannaan kale la la’yahay oo lagu tuhunsan yahay inay ku hoos jiraan burburka.
Dhanka Israa’iil, 1,139 qof ayaa lagu dilay weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023, iyadoo in ka badan 200 qof la afduubtay.