Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa soo dhaweeyay qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay oo taageeraya wejiga labaad ee qorshaha nabadda ee Madaxweyne Trump ee Qasa.
Xafiiska Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in qorshuhu uu nabad iyo barwaaqo u keeni doono Qasa sababtoo ah wuxuu dhigayaa in si buuxda looga takhaluso kooxaha hubeysan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa sidoo kale soo dhaweysay soo jeedinnada laakiin Xamaas ayaa si degdeg ah u diiday.
Kooxdu waxay sheegtay inaysan hubkeeda ka tanaasuli doonin iyada oo aan la helin dowlad Falastiin ah, iyagoo ku adkeysanaya in dagaalka ay kula jirto Israa’iil uu yahay iska caabin sharci ah.


