Tuesday, March 17, 2026

Xamas iyo Israel oo isku mari la’ heshiis xabbad joojin

Israel iyo Xamaas ayaa Axaddii isku mari waayay wajiga koowaad ee heshiis xabbad joojin ah oo ka hirgala Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduubaan Xamas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Axaddii sheegay in kooxdu ay ansixisay sii deynta liis ka kooban 34 Isra’iiliyiin ah oo ka mid ah la heystayaasha, taas oo ay Xamaas ku baddalaneyso heshiis ugu danbeyntii ka hirgala Gaza.

Hase yeeshee, war kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay, in Xamaas aysan soo gudbin liiska la heystayaasha.

Laakin goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, ayay Xamaas nuqul ka mid ah magacyada liiska ay sii deyn rabto tusisay wakaaladda wararka ee Reuters, sida ay ku warrantay wakaaladdan.

Wadahadallada heshiiska xabbad joojinta labada dhinac ayaa maalmihi lasoo dhaafay dib uga billowday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo afjaro dagaalka 15-ka bil ka socda Gaza, waxana hadafku yahay in xalka kama danbeysta ah la gaaro ka hor 20-ka January markaas oo uu xafiiska Aqalka Cad ku soo laaban doono madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Lafta gareen oo tagay Baydhabo xilli uu khilaaf kala dhexeeyo DFS

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada ka soo horjeeda Lafta gareen oo fariin adag u diray DFS

Xildhibaano ka tirsan BFS ee laga soo doortay deegaanada...

Koofur Galbeed oo xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqay inuu...

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo laba maalmood ku xayirnaa badda oo la badbaadiyay

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari, lagana...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles