Saturday, August 8, 2026

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii u dambeeyay ay dagaalo ak socdeen. Kooxda ayaa hadda bilaabay, in qaadaan canshuuraha laga soo bilaabo qiimaha digaaga oo ay ku soo rogeen canshuuraha sigaarka iyo shidaalka, iyadoo qorshaha Mareykanka ee mustaqbalka gobolka si tartiib tartiib ah loo hirgalinayo.

Kadib markii xabad joojintu bilaabatay, Xamaas waxay si degdeg ah u xoojisay gacan ku haynta goobihii ay banayeen Israa’iil, iyagoo ku andacoonaya inay laayaan Falastiiniyiinta la shaqeeya cadawga, iyo kuwii ku kacay xatooyada ama dambiyo kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in sidoo kale ay dareemayaan gacanta ku haynta Xamas ee Qaza iyaga oo xakameynaya badeecadaha la soo dejiyo iyo la socodka qiimaha.

Kooxda Xamaas ayaa beenisay in ay soo rogtay canshuuro cusub, iyada oo sheegtay in ay uga golleedahay in ay xakamayso qiimaha iyo in ay hubiso in si habsami leh loola wareego nidaamka cusub.

Ismaaciil Al-Thawabta oo ah madaxa xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Xamaas ayaa sheegay in aysan sax ahayn wararka sheegaya in canshuuraha laga qaado sigaarka iyo shidaalka, isagoo beeniyay in dowladdu ay kordhisay canshuuraha.

Maamulku waxa ay wadeen kaliya hawlo bini’aadantinimo iyo iyagoo samaynaya “isku dayo halis ah” oo lagu xakameynayo qiimaha, Thawabta ayaa sidaasi yiri mar uu la hadlayay Reuters.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Xamaas ay diyaar u tahay in ay xukunka ku wareejiso maamul cusub oo xirfad leh, isaga oo sheegay in hadafku yahay in laga fogaado fowdo ka dhacda Gaza. Qiimaha badeecadaha ayaa weli ah mid sarreeya sababtoo ah waxaa aad u yar badeecooyiinka soo galaya Gaza, xaalad nolosha ka dhigaysa mid adag.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles