Tuesday, January 27, 2026

Xasan Nasrallah oo sheegay in ay u aari doonaan taliyihii laga dilay

Duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut gaarahaan magaalada Dahiya oo ah xarun ay ku xoogan yihiin Xisbullah ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ku labisan dhar madoow oo ka qaybgalaya aaska Fu’aad Shukr oo ahaa taliyihii ugu sareeyay maleeshiyada awooda badan ee Lubnaan, isla markaana ahaa xubintii ugu caansanayd ee ay Israa’iil disho intii ay dagaaladu socdeen waayahaan.

Dadka isku soo baxay ayaa watay sawirka Shukr, waxayna lulayeen calanka jaalaha iyo cagaarka ah ee Xisbullah, iyagoo ku qeylinayay qaar ka mid ah hal ku dhigyada kooxda.

Sida laga soo xigtay ciidamada Israa’iil, Shukr ayaa mas’uul ka ahaa weerarkii gantaallka ahaa ee lagu dilay 12 carruur iyo dhallinyaro isugu jiray oo ka dhacay garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla buuraha Golan Heights oo ay Israa’iil haysato Sabtidii hore.

Xisbullah ayaa iska fogeysay inay ku lug laheed, inkastoo markii hore ay sheegtay inay weerartay saldhig ciidan oo halkaasi ku dhow, taasoo sare u qaadeysa suurtagalnimada ah in gantaalka uu seegay bartilmaameedkii.

Shukr oo sidoo kale loo yaqaanay al-Xaj Muxsin ayaa la sheegay in uu la taliye u ahaa Xasan Nasrallah oo muddo dheer hoggaaminayay Xisbullah.

Xasan Nasrallah ayaa sheegay in dagaalka Israa’iil kala dhaxeeya uu yeeshay waji cusub isla markaana ay aarsan doonaan.

WARARKII KALE

Magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigay waxsoo saarka iyo halabuurka ganacsiga haweenka

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay bandhig ganacsi kaas oo...

Dhalinyaro abuuratay fursado ganacsi oo shaqaaleysiiyay dhaliyaro kale

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay wajahaan shaqo la’aan baahsan, balse waxaa...

Xarun lagu kobciyo Xirfadaha haweenka oo laga furay Muqdisho

Goob lagu kobciyo xirfadaha haweenka Soomaaliyeed iyo barashada Buraan...

Somali Dog Caregiver Faces Fear and Rejection: What You Need to Know

While Aadan Abdullahi Ali devotes himself wholeheartedly to the...

Digital Abuse of Somali Women: Why This Growing Harm Matters

Sometimes people think it’s normal to write a mean...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles