Thursday, March 12, 2026

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay la yeesheen Madaxweynaha Jabuuti Ismaïl Omar Guelleh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga saddexda dal, gaar ahaan amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada, dadaallada dimuqraadiyeynta Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Madaxdu waxay sidoo kale ka wada hadleen horumarinta maalgashiga, fududeynta isu-socodka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha si loo xoojiyo isdhexgalka iyo koboca dalalka gobolka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhinacyada ay ka wadahadleen in dib loo soo celiyo wadahadalada Siyaasaddeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyadoona arrintan ay kaalin ka qaadanayaan madaxda Jabuuti iyo Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti martigelinta kulankan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-tashiyada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dalalka gobolka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto helitaanka marin badeed, halka Djibouti ay isku dayeyso inay isu soo dhoweyso Somalia iyo Itoobiya, si loo yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira arrimaha Somaliland.

WARARKII KALE

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles