Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab uu sii socon karo muddo kale, balse uu meesha ka saaray suurtagalnimada in kooxdaasi mar kale la wareegto gacan-ku-haynta guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegay in xaaladda amni ee Soomaaliya ay isbeddel weyn samaysay marka loo eego waqtiyadii hore, xilli uu sheegay in Al-Shabaab ay mar ka hawlgeli jireen meelo aad ugu dhow caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqti hore kooxda ay si weyn ugu fidday gudaha Soomaaliya, isla markaana ay weerarro ka fulin jirtay goobo aad ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya, balse maanta ay boqolaal kiiloomitir u jirto Muqdisho.

“Dagaalkani waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo yar oo dheeraad ah, laakiin ma jirto wax suurtagal ah oo Al-Shabaab ay mar kale dalka oo dhan kula wareegi karto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeedu ay horumar ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda, isagoo ku dooday in awoodda Al-Shabaab ay maanta aad uga duwan tahay tii ay lahayd xilliyadii hore.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in Soomaaliya ay dib ugu laabato dagaallo sokeeye, dagaallo beeleed ama khilaaf siyaasadeed oo isu beddela dagaal hubeysan.

“Al-Shabaab inay soo laabato waa wax aan suurtagal ahayn, sidoo kalena suurtagal ma aha in dalku dib ugu laabto dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mucaaradka oo walaac ka qaba khilaafka siyaasadeed

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qaba in haddii Soomaalidu ay ku guuldarreysato inay xal ka gaarto khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, xaaladdaasi ay fursad siin karto maleeshiyaadka Al-Shabaab inay dib u xoojiyaan awooddooda.

Mucaaradka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in khilaafka siyaasadeed ee sii daba dheeraada uu wiiqi karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana uu sababi karo in beesha caalamku hoos u dhigto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku adkeystay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladihii ay kooxdu awoodda weyn ku lahayd qaybo badan oo dalka ah, isagoo sheegay in aysan jirin xaalad u saamaxaysa Al-Shabaab inay mar kale la wareegto guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

Iran oo hanjabaad u diray Mareykanka

Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles