Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Ferhat Alkan iyo Midowga Yurub mudane László Máthé, kuwaasi oo si rasmi ah u bilaabaya waajibaadkooda diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Dhankooda, Danjireyaasha aya Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen madaxdooda, iyaga oo bogaadiyay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

DF oo maanta qaadaysa Tallaabo saameyn ku yeelan karta dadka u safraya dibadda

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta, 1-da Oktoobar 2026, dhaqan gelinaysa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles