Thursday, January 29, 2026

Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay mudane Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaasi ka dib mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa Xildhibaanadda Golaha uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga, waxaana ogolaatay 138-xildhibaan , laba xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga oo uu sheegay in uu faa’iido weyn u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’addaha Maaliyadda iyo hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, waxaana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu faray guddiga ay quseyso in labada Hindise sharciyeed soo diyaariyaan akhrintooda sedaxaad dibna golaha ugu soo celiyaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo ka adkaaday Xasan Sheekh iyo Waaranka oo laga laabtay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday...

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka...

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd...

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles