Tuesday, March 17, 2026

Xildhibaanada golaha shacabka ee BFS oo ansixiyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay mudane Maxamed Cabdi Cali oo ka mid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Intaasi ka dib mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 139-xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa Xildhibaanadda Golaha uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka Cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga, waxaana ogolaatay 138-xildhibaan , laba xildhibaan ayaa diiday hal xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS mudane Biixi Iimaan Cige ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka sharciga canshuurta dakhliga oo uu sheegay in uu faa’iido weyn u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka sharciga hay’addaha Maaliyadda iyo hindise sharciyeedka shirkadaha Caymiska, waxaana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu faray guddiga ay quseyso in labada Hindise sharciyeed soo diyaariyaan akhrintooda sedaxaad dibna golaha ugu soo celiyaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

KGS oo diiday in la daaweeyo dhaawacyada iyo amar la dhigay saraakiisha ciidamada

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo rogtay amaro dheeraad ah...

Xildhibaannada Soomaaliya ee ku metelaya ururka EALA oo lagu dhaariyay Arusha

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Maalqabeen Turki ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamad la soo taagay Kenya

Booliska la-dagaallanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay...

Lafta gareen oo Baydhabo ku laabanayo isagoo khilaaf kala dhexeeya DFS

Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed Cabdiasis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa...

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka walaacsan weerarada Iran

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabi Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles