Tuesday, March 3, 2026

Xildhibaannada Mucaaradka “Waa in gacanta la qabto xukuumadda Xasan Sheekh.”

Xildibaanada mucaaradka ee ku mideysan  Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay hubanti la’aanta siyaasadeed, kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale hub sharci darro ah oo dalka kusoo qulqulaya.

Xildhibaannada Golaha Samatabixinta ayaa si adag u dhaleeceeyay sida ay wax u wadaan madaxda dowladda talada haysa, waxayna si gaar ah u sheegeen in loo baahan yahay in “gacanta laga qabto xukuumadda Xasan Sheekh” si loo badbaadiyo mustaqbalka dalka iyo rajadii shacabka Soomaaliyeed.

Waxay xuseen in kulamadii u dhexeeyay Madaxweynaha iyo mucaaradka muddo laba bilood socday aysan wax natiijo ah keenin, taas oo muujinaysa xaalad halis ah oo dalka gelin karta jahwareer siyaasadeed iyo niyad-jab bulsho.

Goluhu wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka in ay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda Soomaaliya, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada lagu xasilinayo siyaasadda iyo dhismaha dowladnimo dhab ah oo loo dhan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles