Wednesday, March 4, 2026

Xildhibaanno Mucaarad ah oo Ku Baaqay in Si Degdeg ah Loo Furo Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ee ka tirsan Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo saaray xirnaanshaha kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay waajib dastuuri ah tahay in kalfadhiga Golaha Shacabka si dhaqso leh loo furo, iyaga oo xusay in jadwalkii hore ee furitaanka kalfadhiga uu ku beegnaa 22-kii bishii August 2025, balse uu dib u dhacay sababo siyaasadeed.

War-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in dib-u-dhacyada joogtada ah ee ku yimid howlaha Baarlamaanka ay sabab u tahay fashilka Guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana ay wiiqeen shaqadii dastuuriga ahayd ee xildhibaanada.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo furo kalfadhiga 7-aad, si Baarlamaanka u guto waajibaadkiisa ku aaddan sharci-dejinta, kormeerka iyo xil gudashada shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan.

Xildhibaanada ku mideysan Golaha Samata-bixinta ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka Baarlamaanka iyo madaxda dowladda in ay si ula kac ah dib u dhigeen kalfadhiga, taas oo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay siyaasadda xayiraadda iyo loollanka gudaha.

 

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles