Tuesday, March 3, 2026

Xildhibaano ka tirsan Mareykanka oo wada qaraar Mareykanka ka hor istaagaya in ay dhaqaale ku bixiso howlgalka AUSSOM

Saddex ka mida Senatoorada Mareykanka  oo ka tiirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wada Qaraar Dowladda Mareykanka ka hor istaagaya inay dhaqaale ku bixiso Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Senatooradan oo kala ah: Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda ee Senete-ka Mareykanka Ted Cruz, Senator Jim Risch iyo Sen. Rick Scott ayaa ku taliyay in Mareykanka aanu wax dhaqaale ah ku bixin Howlgalka Midowga Afriak ee Soomaaliya inta Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ay ka ogolaanayaan inay bixiyaan Saamigooda si cadaalad ah.

Saddexda Senatoor oo ku dhow madaxweyne Trump ayaa ku doodaya in lagu socdo qorshaha Madaxweyne Trump ee ah inaan dhaqaalaha Mareykanka lagu bixin wax ka baxsan danaha Mareykanka.

Qaraarka ay wadaan Senatoorada Mareykanka haddii la ansixiyo wuxuu Mareykanku hor istaagi doonaa in tallaabo kasta oo Golaha Amniga Qaramada Midoobay ku ansixinayo maalgelinta AUSSOM.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wajahaya halis dhaqaale la’aan oo marar badan laga digay, waxaana la ogyahay in  Maamulkii hore ee Madaxweyne Joe Biden uu ka gaabsaday ansixintii howlgalka cusub ee AUSSOM arrinta la xiriirta dhaqaalaha dartiis.

 “Ma ogolaan karno inay tani ay sii socoto.. Qaraarakan wuxuu ka hortegi doonaa taageerada Mareykanka uu ku bixiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee hoos imaanaya qorshahan cusub ee maalgelinta ilaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay muujiyaan in ay u isticmaalayaan dhaqaalaha ay heystaan si mas’uuliyad ah” ayuu yiri Sen. Jim Risch u warramay FOX NEWS

WARARKII KALE

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Dagaalka Bariga dhexe oo galay Maalintii afaraad

Iraan ayaa gantaallo horleh u riday dhanka Israa’iil, sida...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles