Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday ciidamada Puntland

Wararka ka imaanaya buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacish ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhiga ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Dasaan ee Gobolkaasi.

Guutada labaad ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan degaanka Dhasaan ayaa xalay fashiliyay weerar ay ciidamada ku soo qaadeen koox ka tirsan firxadka mileeshiyaadka ISIS.

Mileeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaaca hore ee ciidanka, halka dhammaan intii kale ay ciidamadu toogasho ku dileen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada.

“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigayo markii waagu baryo” sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.

Illaa iyo hadda, maamulka Puntland kama uusan bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan weerarka,

Degaanka Dhasaan ayaa dhanka juqraafi ahaan u dhaw magaalada Balidhidhin, oo ah taliska weyn ee ciidamada Puntland. Istaraatiijiyadda deegaankaasi ayaa ka dhigeysa bartilmaameed muhiim ah oo ay kooxaha argagixisadu marar badan isku dayaan inay weeraraan

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles