Xildhibaano ka tirsan Mareykanka oo wada qaraar Mareykanka ka hor istaagaya in ay dhaqaale ku bixiso howlgalka AUSSOM

Saddex ka mida Senatoorada Mareykanka  oo ka tiirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wada Qaraar Dowladda Mareykanka ka hor istaagaya inay dhaqaale ku bixiso Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Senatooradan oo kala ah: Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda ee Senete-ka Mareykanka Ted Cruz, Senator Jim Risch iyo Sen. Rick Scott ayaa ku taliyay in Mareykanka aanu wax dhaqaale ah ku bixin Howlgalka Midowga Afriak ee Soomaaliya inta Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ay ka ogolaanayaan inay bixiyaan Saamigooda si cadaalad ah.

Saddexda Senatoor oo ku dhow madaxweyne Trump ayaa ku doodaya in lagu socdo qorshaha Madaxweyne Trump ee ah inaan dhaqaalaha Mareykanka lagu bixin wax ka baxsan danaha Mareykanka.

Qaraarka ay wadaan Senatoorada Mareykanka haddii la ansixiyo wuxuu Mareykanku hor istaagi doonaa in tallaabo kasta oo Golaha Amniga Qaramada Midoobay ku ansixinayo maalgelinta AUSSOM.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wajahaya halis dhaqaale la’aan oo marar badan laga digay, waxaana la ogyahay in  Maamulkii hore ee Madaxweyne Joe Biden uu ka gaabsaday ansixintii howlgalka cusub ee AUSSOM arrinta la xiriirta dhaqaalaha dartiis.

 “Ma ogolaan karno inay tani ay sii socoto.. Qaraarakan wuxuu ka hortegi doonaa taageerada Mareykanka uu ku bixiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee hoos imaanaya qorshahan cusub ee maalgelinta ilaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay muujiyaan in ay u isticmaalayaan dhaqaalaha ay heystaan si mas’uuliyad ah” ayuu yiri Sen. Jim Risch u warramay FOX NEWS

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles