Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin militari oo ka dhan ah Israel, iyagoo ku dhawaaqay weeraro gantaallo ah iyo xayiraad dhinaca badda ah oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Yemen ayaa lagu sheegay in ay gantaallo ku weerareen bartilmaameedyo “xasaasi ah” oo ku yaalla gobolka Yaffa ee dhulka ay Israa’iil maamusho, iyagoo sheegay in weerarradaasi ay si sax ah u gaareen ujeeddooyinkoodii.

Sidoo kale, ciidamada Yemen ayaa ku dhawaaqay “xayiraad buuxda” oo ku saabsan maraakiibta Israa’iil ee maraya Badda Cas, iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameeyaan maraakiibta cadowga loo aqoonsan doono bartilmaameed militari oo sharci ah.

Waxay sidoo kale sheegeen inay ka jawaabi doonaan “kororka colaadda” iyagoo sii xoojin doona howlgalladooda militari, ayna arrintaasi ku xiran tahay xaaladaha dagaalka iyo waxa ay ugu yeereen “Isbahaysiga Muqaawamada.”

Bayaan-ka ayaa lagu taageeray waxa ay ku tilmaameen la dagaallanka duullaanka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Falastiin, Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen.

Ciidamada Yemen ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkooda ay qeyb ka yihiin diidmada mashruuca loo yaqaan “Greater Israel” iyo dadaallada lagu jebinayo go’doominta saaran shacabka Gaza, Lubnaan iyo Iran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles