Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin militari oo ka dhan ah Israel, iyagoo ku dhawaaqay weeraro gantaallo ah iyo xayiraad dhinaca badda ah oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Yemen ayaa lagu sheegay in ay gantaallo ku weerareen bartilmaameedyo “xasaasi ah” oo ku yaalla gobolka Yaffa ee dhulka ay Israa’iil maamusho, iyagoo sheegay in weerarradaasi ay si sax ah u gaareen ujeeddooyinkoodii.

Sidoo kale, ciidamada Yemen ayaa ku dhawaaqay “xayiraad buuxda” oo ku saabsan maraakiibta Israa’iil ee maraya Badda Cas, iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameeyaan maraakiibta cadowga loo aqoonsan doono bartilmaameed militari oo sharci ah.

Waxay sidoo kale sheegeen inay ka jawaabi doonaan “kororka colaadda” iyagoo sii xoojin doona howlgalladooda militari, ayna arrintaasi ku xiran tahay xaaladaha dagaalka iyo waxa ay ugu yeereen “Isbahaysiga Muqaawamada.”

Bayaan-ka ayaa lagu taageeray waxa ay ku tilmaameen la dagaallanka duullaanka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Falastiin, Lubnaan, Ciraaq iyo Yemen.

Ciidamada Yemen ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinkooda ay qeyb ka yihiin diidmada mashruuca loo yaqaan “Greater Israel” iyo dadaallada lagu jebinayo go’doominta saaran shacabka Gaza, Lubnaan iyo Iran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles