Tuesday, November 18, 2025

Xukuumadda oo xoogga saaraysa in adeegga dowaldda laga dhigo mid casri ah oo Teknolojiyadda la socda

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, ayaa ka hadlay mideynta dowladnimada danabeysan ee lagu sameynayo hey’adaha dowladda, dardar-gelinta habraacyada maamulka casriga ah iyo dhammaystirka wada-shaqeynta iyo isku-duwidda wasaaradaha ay khusayso nidaamka dowladnimada.

Guddigan oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qayb ka ah qorshaha lagu mideynayo nidaamka maamulka iyo horumarinta dowladnimada casriga ah.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan wasaaradaha xubnaha ka ah gudiga, iyo mas’uuliyiinta kale, kuwaas oo kala ah;

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Biixi Iimaan Cige.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha mudane Maxamuud Axmed Aadan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Cali Xaaji Aadan.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Saalim Caliyow Ibroow.

Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil .

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS ,Mudane Kamaal Daahir Guutaale.

Iyo masuuliyiin ka socday Xafiiska Madaxwynaha JFS.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafaguray, xoojinta dadaallada mideynta nidaamyada dowladeed, hirgeliyo hannaan mideysan oo lagu maamulo xogaha iyo adeegyada dowladda iyo xoojinta daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hey’adaha dowladda, taas oo ah bilow cusub oo lagu dardargelinayo dowladnimo casri ah, mideysan, hufan oo si fudud u gaarta bulshada Soomaaliyeed.

Hawshan ayaa sees-dhig u ah qorshaha ballaaran ee xukuumadda uu hoggaamiyo Raisulwasaare Xamsa Cabdi Bare ay ku casriyaynayso dowladnimadda, laguna fududeynayo adeegyada.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo Guddoomiyey Shir Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Doorashooyinka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan...

Kenya oo muwaadiniinteeda u xaqiijisay in la xakameeyay weerar dhanka Internetka ah lagu qaaday dhowr wasaaradood

Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinta u xaqiijisay in la xakameeyay...

Golaha Ammaanka:-Soomaaliya oo codkeeda ku biirisay dadaalka caalamiga ah ee xasilinta Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa caawa ansixiyay qaraar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles