Saturday, June 13, 2026

Xukuumadda Soomaaliya oo taageertay go’aanka ay Faransiiska ku aqoonsanayso Falastiin

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay bayaanka taariikhiga ah ee kasoo baxay dowladda Faransiiska, kaasi oo ay ku muujisay in ay damacsan tahay inay si rasmi ah u aqoonsato Dowladda Falastiin.

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabada Faransiiska ay tahay mid muhiim ah oo xaqiijinaysa xuquuqda shacabka Falastiin ee ah inay masiirkooda ka tashadaan, ayna dhistaan dowlad madax-bannaan oo si buuxda u leedahay karaamadeeda iyo qaranimadeeda.

“Tani waa tallaabo geesinimo leh oo ku habboon waqtigan muhiimka ah, waxayna ka tarjumaysaa taageerada sii kordheysa ee beesha caalamka u muujinayso cadaaladda, nabadda, iyo xalka laba dowladood,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles