AUSSOM oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay deegaanka Sabiid

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa maanta shaaciyay in ciidamada is-kaashanaya ee AUSSOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) ay si geesinimo leh uga hortageen weerar ay kooxda Al Shabaab saaka waaberigii ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole.

Weerarka ayaa lagu beegsaday saldhigyo muhiim ah oo horey looga xoreeyay Al Shabaab bishii Juun ee sanadkan. Ciidamada AUSSOM iyo SNAF ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, iyaga oo ku qasbay kooxda weerarka soo qaaday inay dib u gurtaan.

Intii uu dagaalku socday waxaa lagu dilay tiro kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab, halka kuwo kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen. Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay hub iyo saanado kala duwan oo ay kooxdaasi wateen.

Ciidamada AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weli si buuxda u haysta saldhigyadii la weeraray, iyadoo haatan ay socdaan howlgallo ballaaran oo lagu baacsanayo kooxihii weerarka fuliyay iyo ciddii la shaqeysay.

“AUSSOM waxay markale xaqiijinaysaa in shacabka ku dhaqan deegaanka Sabiid-Anole iyo agagaarkeeda la siin doono amni, badbaado iyo ilaalin joogto ah. Howlgalladan waa qeyb ka mid ah dadaallada is-daba joogga ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al Shabaab, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo dowladnimo xooggan oo ka hana qaadda gobolka Shabeellaha Hoose”. ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles