AUSSOM oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay deegaanka Sabiid

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa maanta shaaciyay in ciidamada is-kaashanaya ee AUSSOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) ay si geesinimo leh uga hortageen weerar ay kooxda Al Shabaab saaka waaberigii ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole.

Weerarka ayaa lagu beegsaday saldhigyo muhiim ah oo horey looga xoreeyay Al Shabaab bishii Juun ee sanadkan. Ciidamada AUSSOM iyo SNAF ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, iyaga oo ku qasbay kooxda weerarka soo qaaday inay dib u gurtaan.

Intii uu dagaalku socday waxaa lagu dilay tiro kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab, halka kuwo kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen. Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay hub iyo saanado kala duwan oo ay kooxdaasi wateen.

Ciidamada AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weli si buuxda u haysta saldhigyadii la weeraray, iyadoo haatan ay socdaan howlgallo ballaaran oo lagu baacsanayo kooxihii weerarka fuliyay iyo ciddii la shaqeysay.

“AUSSOM waxay markale xaqiijinaysaa in shacabka ku dhaqan deegaanka Sabiid-Anole iyo agagaarkeeda la siin doono amni, badbaado iyo ilaalin joogto ah. Howlgalladan waa qeyb ka mid ah dadaallada is-daba joogga ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al Shabaab, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo dowladnimo xooggan oo ka hana qaadda gobolka Shabeellaha Hoose”. ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles