Xuutiyiinta oo weerarro ku beegsaday garoomo diyaaradeed oo Sacuudiga ku yaalla

Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo kooxda Xuutiyiintu ay ku gantay waqooyiga Riyad.

Xafiiska Warfaafinta ee Hay’adda Ammaanka Cadan ayaa sheegay in laba gantaal oo ay Xuutiyiintu rideen lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah.

Weerarradan ayaa dhacay xilli dagaal dhowr jiho ah uu Yemen ka socdo isla markaana iska horimaadyadu sii xoogeysanayan. Ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa wada weerar ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaanno ay Xuutiyiintu la wareegeen toddobaadyadii u dambeeyay, gaar ahaan xeebaha galbeed iyo nawaaxiga marinka Bab al-Mandab.

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoomada Jizan iyo Najran ee ku dhow xuduudda Yemen.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga si rasmi ah uma xaqiijin weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khalid ee Riyad, balse website-ka Flightradar24 oo la socda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ayaa sheegay in hawada garoonka si ku-meel-gaar ah dhowr jeer loo xiray.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles