š’š”š¢š«š¤šš qšØš«š¬š”ššš”šš kšš hšØš«š­ššš š šš š¢š²šØ xššš¤ššš¦šžš²š§š­šš š‚ššš ššššš«š¬š”šØš°š šš šØšØ š„ššš¬šØšØ š šžš›ššš ššš›šžšžš²šžš²

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay shir-wadatashi heer qaran ah oo socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayay diyaarinta Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga (Hepatitis) ee sanadaha 2025 illaa 2030.

Shirkan ayaa fursad u noqday in la isugu keeno khubaro caafimaad oo heer qaran ah, Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed, wakiillo ka socday dowlad-goboleedyada dalka, madaxda qeybo muhiim ah oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka kala socday jaamacadaha iyo isbitaallada dalka, iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee sida tooska ah ula shaqeeya Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid yihiin WHO, African CDC, iyo hay’ado kale oo muhiim ah.

Intii uu socday shirka, ka qeybgalayaashu waxay si qoto dheer uga doodeen sida si wadajir ah loo dejin karo qorshe qaran oo wax-ku-ool ah, kaas oo lagu xakameyn karo cudurka Cagaarshowga oo kamid ah cudurrada si aamusnaan ah u faafa, kana mid ah halista ugu weyn ee caafimaadka dadweynaha.

Waxaa la isdhaafsaday xogaha xaaladda cudurka ee dalka, la falanqeeyay caqabadaha jira, iyo talooyinka la xiriira wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale, shirka waxa uu si gaar ah u iftiimiyay kaalinta muhiimka ah ee ay leeyihiin qeybaha aan dowliga ahayn, sida jaamacadaha, isbitaallada gaarka loo leeyahay, ururada caafimaadka iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo door weyn ku leh hirgelinta qorshahan marka la bilaabo.

Wakiillada ka socday hay’adaha caalamiga ah ee WHO iyo African CDC ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso sugidda caafimaadka bulshada, waxayna xuseen in cudurka Cagaarshowga yahay mid u baahan feejignaan joogto ah iyo taageero isku dhaf ah.

Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay si buuxda u garab istaagi doonaan Wasaaradda Caafimaadka, iyagoo bixinaya taageero farsamo, cilmiyeed, iyo waayo-aragnimooyin caalami ah oo dalka anfici kara.

WARARKII KALE

Ciidanka Lafta gareen oo la wareegay Qansaxdheere

Ciidamada Taabacsan Lafta Gareen ayaa maanta dib ula wareegay...

Al-Shabaab oo dad ku laayay Hiiraan iyo dagaal ka socda Tardo

Wararka laga helayo deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ayaa...

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar-garowga shirka oo socda

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo...

Mareykanka oo xiray wiil Soomaali ah oo weerar ka fulin rabay Minnesota

Hay’adaha ammaanka Mareykanka ayaa xiray Sheikhdoon Cabdullaahi Maxamuud, oo...

Puntland oo war ka soo saartay xal u helida colaada ka taagan G/Sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa...

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles