Monday, August 10, 2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐮𝐥 𝐈𝐧𝐬𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐋𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay wafdi sare oo ka socday Hay’ada UNICEF, oo ay hoggaaminaysay madaxa hay’adaha ee Soomaaliya, Ms Sandra Lattouf.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo hay’ada UNICEF, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta xuquuqda carruurta, horumarinta adeegyada bulshada, iyo taageeridda barnaamijyada muhiimka ah ee wax ka taraya bulshada Soomaaliyeed.

Intii uu socday kulanka, Wakiilka UNICEF ayaa muujisay sida hay’addu uga go’an tahay taageeridda himilada iyo qorshayaasha Wasaaradda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha mudnaanta u leh qorshaha horumarinta ee Wasaaradda, si loo gaaro natiijooyin waxtar leh oo la taaban karo.

Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay hay’ada UNICEF Shaqada wanaagsan ee ay la garab taagan yihiin bulshada inteeda nugul, iyadoo carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro dhal ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda

Carruurta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles