Khilaaf Ka Dhashay Kordhinta Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka

Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in muddo bil ah la sii shaqeyn doono, iyadoo arrintan dhalisay muran iyo falcelin xooggan oo ka timid xildhibaano ka tirsan Golaha, gaar ahaan kuwa mucaaradka ah.

Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka, ayaa si adag uga hor yimid go’aankaasi, isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah. Xildhibaanku wuxuu sheegay in “Dastuur sharci-darro ah iyo waqti sharci-darro ah aysan socon karin”, isagoo carrabka ku adkeeyay in kalfadhigan 7-aad uu ahaa mid ka mid ah kalfadhiyada ajendaha ugu yar, isla markaana uusan jirin qorshe cad oo goluhu horey ugu shaqeynayay.

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa sidoo kale sheegay inaysan suurtagal ahayn in maanta la yiraahdo golaha waa la sii furi doonaa, iyadoo lagu sababeeyay in Dastuurka laga shaqeynayo, xilli uu horey u dhammaaday fasaxii dastuuriga ahaa ee Golaha.

“Dalka wuxuu u baahan yahay badbaadin degdeg ah, ma aha in lagu mashquulo go’aamo muran sii hurinaya,” ayuu yiri xildhibaanku.

Dhanka kale, Xildhibaanada Mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeestay in la sii wado ka shaqeynta arrimaha Dastuurka, iyagoo ku dooday in dalka uu ku jiro xaalad adag oo jahwareer siyaasadeed, taas oo u baahan xal degdeg ah iyo wadatashi qaran.

Khilaafka ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo aragtida mucaaradka ay tahay in marka hore la xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, lana abuuro jawi midnimo iyo kalsooni ah ka hor inta aan la gelin arrimo masiiri ah oo saameynaya mustaqbalka dalka.

Arrintan ayaa muujinaysa kala aragti duwanaansho weyn oo ka dhex taagan Golaha Shacabka, taas oo sii adkeyn karta xaaladda siyaasadeed ee dalka, haddii aan xal wada ogol ah la helin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles