Damaca Itoobiya iyo heshiiska ay dhowaan shaacisay ee ay ku sheegtay in dhul iyo bad Soomaaliyeed ku helayso ayaan ahayn wax cusub sida waqtigu noo sheegayo. Tan iyo 1991-dii waddan la dayacay oo sida hilib ceeriin meel bannaan ah u yaal ayaan shaki ku jirin in cid walba damac ka soo galayo, taasna waxaa sahlaya waaqica yaal dunida aan ku nool nahay maanta, kaas oo ah ‘Ninkii xooglaa xaajo ay u toostaa.’.
Qormadan dhowr qodob ayaan rabaa in aan ku xuso;
Marinka Badda Cas;
Marka hore aan fahamno muhiimadda marinka badda cas, 1911-kii markuu Jarmalku isku diyaarinayay dagaalkii koowaad ee adduunka ayuu garowsaday in marinka badda cas uu halis ku yahay, waxaa ayna ku sababeeyeen in dagaal ay la galaan Yurubta oo Biritishaku xilligaas hormuudka u ahaa aysan ka adkaan karin inta uu u furan yahay waayo marka Yurub dagaal gasho waxaa salka galaya waxsoosaarka, waxaana la waayi doonaa wax afka la gasho, balse marinka badda cas oo u furan Hindiya, Awstareeliya iyo Newzealand ayaa u suurtaggalinaya in saadku uusan ka go’in, sidoo kalena ciidamada uga imaanaya waddamadaas uga soo gudbaan.
Jarmalku waxa uu ula tagay qorshihii Otamaankii oo laftigiisu sii liicayay, balse markaa gacanta ku hayay Sacuudiga, iyagoo la qaatay Janaayo 1915 ayaa doon ka soo baxday Al-Wajh, Sacuudi Careebiya, waxa ay ku soo xiratay dekedda Musawac, waxaana ka soo degtay koox Cilmi baarayaal ah Jermal iyo Turki iskugu jira oo uu hoggaaminayay saynisyahankii la oran jiray Leo Frobenius.
Maanta waxaa dheer intaas in marinka badda cas uu noqday jidka shidaalka waddamada Gacanka iyo marin ay iskaga gooshaan maraakiibta ganacsiga Yurub iyo Aasiya u kala socota ayada oo lagu qiyaasay 12% ganacsiga adduunka, oo u dhiganta hanti dhan 1-tirilyoon. Sidoo kale ayay waddamada reer galbeedku ku ilaashadaan danahooda amni iyo dheeli ku yimaada awooddooda caaalamka mustaqbalka oo ay haddaba u muuqdaan quwado kusoo baxaya.
Haddaba ciddii gacanta ku haysa marinka badda cas ayaa noqoneysa tan ku gacansareyn doonta dagaal walba, mid ganacsi ama mid mid melateri.
Damaca Badda Cas ee Lij Iyasu
Lij Iyasu iyo xaasaskiisii muslimka ahaa
Lij Iyasu, ayaa noqday Amiir, kaddib dhimashadii Minilikhii Labaad. Jermalka iyo Turkigu ayaga oo ka faa’ideysanaya wiilka yar ee aan khibradda lahayn ayay koox u soo direen uu hoggaaminayay Leo Frobenius, balse ciidamadii Talyaaniga ayaa dib u ceshay kaddib imaanshahoodii Musawac, Eretareeya. Bishii Juun 1915-kii, ayaa la soo diray khabiir kale oo la oran jiray Salomon Hall, asagoo ka soo degtay Musawac, ninkan ayaa ka soo jeeday Yahuuda Boolishka ah, balse ahaa nin Boqorka Jermalka saaxiib ay ahaayeen, waxaa uu sidoo kale saaxiibo ku lahaa Itoobiya, asagoo ku hadli jiray luqadda carabiga. Sidii oo kale ayaa loo qabtay dibna loogu ceshay meeshuu ka yimid. Balse intaan la qaban ayuu gudbiyay waraaqihii uu waday, kuwaas oo gaaray safiirkii Jarmalka u fadhiyay Addis Ababa, lalana wadaagay safiirkii Turkiga.
Saxafiga Martin Plaut, oo wax ka qoray boqolguuradii dhacdadaas ayaa nuxurka farriintaas u qoray sidan “Hadda waxaa la gaaray waqtigii Itoobiya ay dib u hanan lahayd xeebaha Badda Cas, Talyaanigana bannaanka ku dhigi lahayd, si Boqortooyada loogu soo celiyo dhulkeedii hore ee ay ka talin jirtay. Jarmalku waxa uu isku xilqaamay in uu aqoonsado dhul kasta oo ay Itoobiya qabsan karto ama ay ku qabsato tallaabo milatari oo ka dhan ah awoodaha xulafada, in ay tahay hanti ay xaq u leedahay iyo qayb ka mid ah Boqortooyada Itoobiya dagaalka ka dib.”
Lij Iyasu, waa ku qancay farriintii soo gaartay asagoo saldhig ka dhigtay Harar iyo Dirirdhabe, iskuna dubariday ciidankii uu ku qasban lahaa badda casa asaga oo dhabarka ka wareemaya Talyaaniga oo Eretareeya fadhiyay, Faransiiska oo Jabuuti fadhiyay iyo Ingiriiska oo Waqooyiga Soomaaliya fadhiyay. Tani waxa ay keentay in saddexdaas waddan ogaadaan farriinta wiilka soo gaartay una hawlgalaan sidii ay kursiga u dhaafin lahaayeen ayagoo ku kacshay kaniisadihii kana dhaadhacshay in uu muslimay. Waxaa xukunkii la dhaafshay September 1917, asagoo ku maqan Dirirdhabe, tanoo uu diiday, kana dagaalamay ilaa iyo 1921-dii markaas oo la soo qabtay.
Taariikhyahanka Haggai Erlich, oo ka sheekeynaya ficilladii uu qaaday Lij Iyasu ayaa sidan u dhigay “Tallaabooyinka uu qaaday looma fasiran karo wax aan ka ahayn inuu rabay aasaaska Itoobiya cusub, oo ay udub dhexaad u noqoto Harar, oo ah caasimad Islaami ah, boqortooyo Afrikaan ah, isbahaysina la leh Istanbul.”
Hanqaltaagiisii Badda Cas iyo damacii Lij Iyasu waxa uu dhaafiyay kursigii, haddaba yuu ahaa Lij Iyasu?
Lij Iyasu waxaa dhalay Ras Mekeal, oo ka hor inta uusan magaciisa badalin la oran jiray Maxamed Cali Abba Bula, oo reer Wallo ahaa, waxa uuna noqday hoggaanka Wallo, asagoo la saaxiibay Boqor Yohanes IV, kaas oo ku qasbay in alla iyo intii muslimka ahayd ee xukunkiisa haysay in ay kiristan noqdaan ama xilka banneeyaan. Maxamed Cali markaas ayuu kiristan noqday lana baxay Mikael, waxa uuna asal ahaan ka soo jeeday qowmiyadda Oramada.
Iyasu Maxamed Cali V Abbiye Axmed Cali
Abbiye Axmed Cali marka aad si dhab ah u fiirisid tallaabooyinkii uu qaaday tan iyo inta uu xukunka qabtay ayaa waxa kuu soo baxaysa tan uu Haggai Erlich, ku tilmaamay “Itoobiya cusub”, ayada oo tallaabooyinka uu qaaday uu kala mid yahay kuwii Lij Iyasu.
Sida Iyasu, ayaa Abbiyana ka soo jeedaa qowmiyadda Oramada, waxa uuna noqonayaa ninkii soo labeeyay Lij Iyasu, Oromana ah oo Itoobiya madax ka noqoda. Labaduba waxa ay ka soo jeedeen qoysas muslim ah. Isla qorshihii Lij Iyasu loo keenay 1915-kii, ayaa Abbiye loo keenay 2018-kii. Su’aashu waxa ay tahay: Ma mid uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay ee Tplf-ta ayuu ahaa qorshahani? Mise mid loo keenay?
16 June 2018-kii, markuu Muqdisho booqday kaddib waxa uu sheegay in afar dakadood kala hadlay Soomaaliya. Xilligaas waa inta ay weli dhexda uga marnaayeen TPLF-tu, asagoo mar danbe ka hadlayay ayuu yiri “Markaan la kulmayay Madaxweyne Farmaajo, waxaa bannaanka ii fadhiyay madaxii sirdoonka ee Tigreega ahaa Getachew Assefa, oo weftigiisa ka mid ahaa. Tani waxa ay ifinaysaa in qorshahani mar walba ahaa yoolka maamulkii ka horeeyay amase la oran karo waa riyada Itoobiya mar walba ku taamto.
Su’aasha danbase ayaanse anigu mar walba qabaa, taas oo ah; Yaa u keenay?
Danaha badda cas iyo marxaladda la joogo maanta waxa ay caddeynaysaa in ay tahay dhuun rag ilaashanayay balse quwado kale soo galeen, sida Shiinaha oo Jabuuti saldhigtay, Raashiya oo fargasho bilowday, kooxo abaabulan oo calooshood u shaqeystayaal ah iyo ururada xagjirka iyo argagaxisada iskugu jira.
Damaca Itoobiya waxaa aad usoo baxay kadib heshiisiikii Somaliland, Emaraat iyo Itoobiya saxiixdeen March 2018, heshiiskaas oo TPLF, garwadeen ka ahayd. Abiye intuu xukunka yimid markii ugu horeysay ee laga maqlo waxa ay ahayd 3 June 2018, asagoo la hadlayay saraakiil sare oo ciidamada Itoobiya ayuu yiri hadal u dhignaa sida “We should build our naval force capacity in the future,” (Waa in aan dhisnaa ciidamo baddeed mustaqbalka).
Tallaabadaasi waxaa xigay in heshiisyo kale iyo deeqo lacageed uu helo, isaga oo markii dambe si cad u sheegay in afar dakadood Soomaaliya kala soo hadlay.
Maarso 12-dii 2019, waxaa booqasho ku yimid Addis Ababa, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, heshiis ay wada saxiixdeen ayaa lagu sheegey in ciidamada badda uu Faransiisku u dhisi doono. 13 Maarso 2019-kii, madaxweynaha Faransiisku waxa uu kulan la yeeshay Uhuro Kenyata, asagoo kulankii dhexmaray ka hadlayana waxuu yiri “Waan dareemi karaa caqabadaha aad sheegateen, tan Yurub aad ka sheegateen, waxaanse idin leeyahay idinka iyo Itoobiya wada fariista qorshe la imaada saaxiibada Carabtuna waa maalgalinayaan”. Yey yihiin saaxiibada carabta ah ee Macron xusay? 18 Augost 2023, waxa mar kale booqasho ku yimid MBZ, asagoo saxiixay mashaariic aad u xaddi weyn, waxaana la sheegay 113 mashruuc in Emaraat ka fulinayo Itoobiya.
Febraayo 2023, Mareykanku waxa uu qorsheynayay in dhoolatus melateri ku qabto Berbera, kaas oo waddamo badan ka soo qaybgeli lahaayeen, Soomaaliyana qayb ka ahayd, qorshahaas oo dagaalkii Sool meesha ka saaray. Horaa loo ogaa in Berbera iyo Saylacba Raashiyaanku xiisaynayeen maadaama ay sheeganayaan in cid walba uga xaq leeyihiin, sababtuna tahay in dekadda Berbera ayagu dib u dhiseen.
Heshiisyadii Itoobiya la saxiixatay Wasaaradda Gaashaandhiga DF Soomaaliya, oo ay ku xusanyihiin in ay iska kaashanayaan difaaca badda. Raadadkaas haddaad si hoose u fiirisid waxaa kuu soo baxaya in ay mar walba ay jiri karto awood kale oo bannaanka ka ah Itoobiya dabadana ka riixaysana saxiixii dhacay.
Khatarta Heshiiskan;