22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo dhowr dal oo Yurub ah, ayaa Khamiistii soo saaray bayaan wadajir ah oo ay uga digeen Iiraan inay joojiso weerarrada ka dhanka ah dadka ku sugan “dhulkooda.” Waxa kale oo ay cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen “shirqool” ay kooxo ay Iiraan taageerto ku doonayaan inay ku weeraraan dad ku sugan dalalkooda.

Bayaankan waxaa lagu eedeeyay hay’adaha amniga ee Iiraan inay “isticmaalayaan shabakado dembiileyaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah si ay uga fuliyaan qorshayaal Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo Australia.”

Dalalkan ayaa bayaankooda ku xusay weerarro lala beegsaday bulshooyinka Yuhuudda, suxufiyiin Iiraaniyiin ah, iyo suxufiyiin Mareykan ah, iyagoo sheegay in mas’uuliyadda falalkan ay sheegatay kooxda lagu magacaabo Ashab al-Yamin al-Islamiya Movement, taas oo lagu sheegay inay “la safan tahay Iiraan.”

Kooxdan oo aan si weyn loo aqoon ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro dab- lagu qabadsiiyay goobo macbad ah iyo xarumo bulsho oo ku yaalla Golders Green magaalada London, halkaas oo ay ku nool yihiin mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuudda ee ugu ballaaran London.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles