Monday, July 13, 2026

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay Saciid Cabdullaahi Ereg oo Soomaali ah, kaas oo muddo dheer si weyn loo raadinayay kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq maaliyadeed oo balaayiin shilin ah.

War kasoo baxay FBI-da iyo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ereg uu 10-kii Juun si nabad ah isku soo dhiibay ciidamada ammaanka Mareykanka kadib markii magaciisa lagu daray liiska cusub ee “Most Wanted Fraudsters” ee dadka loogu raadinta badan yahay dambiyada khiyaanada maaliyadeed.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku eedeeyay Saciid Cabdullaahi Ereg inuu ku lug lahaa qorshe lagu lunsaday in ka badan 4.2 milyan oo doolar oo ka tirsanaa barnaamijka quudinta carruurta ee dowladda Mareykanka xilligii cudurka COVID-19. Lacagtaasi ayaa loogu talagalay carruurta u baahan gargaar cunto, gaar ahaan gobolka Minnesota.

Sida lagu sheegay dukumiintiyada maxkamadda, Ereg wuxuu maamulayay dukaan iyo maqaaxi ku yaallay magaalada Minneapolis, kuwaas oo ku jiray barnaamijka “Feeding Our Future.” Dowladda Mareykanka ayaa ku andacootay in xaruntaasi si been abuur ah u sheegtay inay malaayiin cunto ah siisay carruurta, si ay u hesho lacagaha dowladda.

FBI-da ayaa sheegtay in Ereg uu wajahayo dacwado ay kamid yihiin khiyaano maaliyadeed, isku day khiyaano iyo lacag dhaqid, iyadoo la sheegay inuu qayb kamid ah lacagahaasi u wareejiyay xisaabaad dibadda ah si loogu maalgeliyo nolol raaxo leh.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Ereg uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee la qabto kadib markii FBI-du dhawaan soo saartay liiska cusub ee dadka loogu raadinta badan yahay dambiyada musuqmaasuqa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga...

Ciidamada Yemen oo weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay...

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles