Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo ay dagaalamayaal looga shakisan yahay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Lafey ee gobolka Mandheera.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo lagu qiyaasay ku dhowaad 10 dagaalyahan ay weerarka soo qaadeen, iyagoo rasaas ka furay meel qiyaastii 600 mitir u jirta saldhigga ciidamada.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad hubeysan oo socday dhowr daqiiqo, ka hor inta aysan kooxdii weerarka soo qaaday dib uga gurin goobta.

Wararka ayaa tilmaamaya in aanu jirin wax askar ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarka, sidoo kalena aan waxyeello soo gaarin saldhigga la bartilmaameedsaday.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay xoojiyeen ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya, isla markaana ay bilaabeen howlgallo lagu baadi-goobayo kooxdii fulisay weerarkaasi.

Gobolka Mandheera oo ku teedsan xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddo dheer wajahaya weerarro iyo falal amni darro oo lala xiriiriyo Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles