Wednesday, November 12, 2025

MW Xasan Sheekh oo kulamo ka bilaabay Dalka Aljeeriya

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Caasimadda dalka Aljeeriya, halkaas oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu u soo diray Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Cabdulmajiid Tabuun.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Abdelmadjid Tebboune iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Aljeeriya soo-dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

WARARKII KALE

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Go’aano culus ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo dhammaaday...

Farmaajo oo ku soo wajahan Muqdisho iyo loolan siyaasadeed uu ka bilaabayo G/Banaadir

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu...

Madaale oo sheegay in Xisbiga MW Xasan Sheekh ee JSP uu qarka u saaran yahay inuu burburo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),...

Madaxweyneyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay...

Venezuela oo diyaarisay qorshe dagaal oo looga hortagayo duullaan Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles