Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqay bilaabashada qeybinta kaararka codbixinta ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta shaaciyay in toddobaadka soo socda si rasmi ah looga bilaabi doono magaalada Muqdisho qeybinta kaararka cod-bixinta ee loogu talagalay dadka horey isu diiwaangeliyay ee ku nool gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawshaasi ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka qabashada doorashooyinka degmooyinka dalka, isagoo xusay in guddigu diyaariyay dhammaan agabkii iyo qorshihii farsamo ee lagu fulin lahaa nidaamka codbixinta.

“Waxaa farxad noo ah inaan ku dhawaaqno in dadka is diiwaangeliyay ee Gobolka Banaadir ay heli doonaan kaararkooda codbixinta, taas oo u suurtagelineysa inay si sharci ah uga qeybqaataan doorashada soo socota,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in degmooyinka Xeebta ah ay todobaadka socda ka bilaabi doonaan qeybinta kaararka Codbixinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay go’aankeeda ku aaddan qabashada doorashooyinka heer degmo, xilli dhinacyo badan ay ka soo horjeedaan hanaanka ay wax u wado dowladda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles