Thursday, January 15, 2026

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Angola uga qaybgalay Shirka midowga Afrika iyo midowga Yurub

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.

Shirka ayaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyada oo ay Soomaaliya halkaas ku soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada nabadda, ammaanka, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo tayeynta hey’adaha dowliga, dib-u-habeynta amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Dhanka horumarinta dhaqaalaha, Mudane Saalax ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay guulo taariikhi ah oo ay kamid tahay ka bixitaanka HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo u horseedday fursado ganacsi iyo maalgashi.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, waxa uu ugu baaqay labada dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashiga ku saleysan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal, horumar, barwaaqo caddaalad ku dhisan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada...

DFS oo ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka...

Madaxweyne Firdhiye oo amar siiyay ciidanka Danab ee ka yimid Garoowe

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka...

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles