Friday, June 5, 2026

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Angola uga qaybgalay Shirka midowga Afrika iyo midowga Yurub

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.

Shirka ayaa looga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyada oo ay Soomaaliya halkaas ku soo bandhigtay guulaha laga gaaray dhinacyada nabadda, ammaanka, dowlad-dhiska, iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo madasha khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo tayeynta hey’adaha dowliga, dib-u-habeynta amniga, iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku leeyihiin taageerada nabadeynta iyo xasilinta Soomaaliya.

Dhanka horumarinta dhaqaalaha, Mudane Saalax ayaa xusay in Soomaaliya ay gaartay guulo taariikhi ah oo ay kamid tahay ka bixitaanka HIPC iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo u horseedday fursado ganacsi iyo maalgashi.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, waxa uu ugu baaqay labada dhinac — Afrika iyo Yurub — in ay sii xoojiyaan iskaashiga ku saleysan kalsooni, wadajir iyo mas’uuliyad wadaag, si loo dhiso mustaqbal, horumar, barwaaqo caddaalad ku dhisan.

WARARKII KALE

Trump oo sababta uu Iiraan u weeraray ku sheegay dal Jeceyl

Trump oo qararka la anxisiyey ku tilmaamay mid aan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

israa’iil oo lagu eedeeyay inay 11 qof ku dishay Qasa

Sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo goobjoogayaal, ugu yaraan...

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus dirtay

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin oo loo...

Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Muqdisho

Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay dagaallo culus oo habeenkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles