Wednesday, January 14, 2026

MW Xasan Sheekh ” Cadey inaad muwaadin Soomaaliyeed tahay”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho, isaga oo ammaanay shaqada Hay’adda Aqoonsiga Qaran ee NIRA, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isdiiwaan-geliyey, talo-soojeedinta khubarada iyo horumarinta Aqoonsiga Dijitaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan qaran uu muujinayo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay dhammaystirka hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, casri ah, ammaan ah, kaas oo tiir muhiima u ah dowladnimada, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada, waxa uuna adkeeyay in go’aannada shirkan lagu xoojiyo qorshaha qaran ee dhismaha adeegyo dowladeed oo ku saleysan tiknoolojiyadda casriga ah.

“Dalkaan Soomaaliya ayaa la dhahaa waxaana leh Muwaadiniinta Soomaaliyeed, Muwaadin qaado Kaarka aqoonsiga NIRA, maanta waa fudud yahay, waxaa imaan doonta xilli la’aantiisa noloshu istaagi doonto, aan la jaan qaadno dunidan casriga ah, Dalkaan 35 ka hor halkuu joogay ma sii joogayo, dastuur, doorasho qof iyo cod, waa inaan ku dhaqannaa qawaaniinta caalamiga ah, una noolaanaa sida adduunyada kale looga nool yahay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyey dhammaan hay’adaha dowladda in ay si wadajir ah u fulinayaan qorshayaasha iyo tallooyinka wax ku oolka ah ee laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka, si loo dhammeystiro in shacabka Soomaaliyeed oo idil ay helaan Aqoonsiga Qaranka, lana xoojiyo kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada iyo dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada...

DFS oo ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka...

Madaxweyne Firdhiye oo amar siiyay ciidanka Danab ee ka yimid Garoowe

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka...

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles