Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga oo hortagay Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhigii 15-aad ee todobaadka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka, oo ay 140 xildhibaan ka qeyb galeen, ayaa ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca. Heshiiskan ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Mudanayaasha ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta saddexaad ee heshiiska, si dib loogu soo bandhigo Golaha loona qaado cod.

Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles