Wednesday, January 14, 2026

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga oo hortagay Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhigii 15-aad ee todobaadka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka, oo ay 140 xildhibaan ka qeyb galeen, ayaa ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca. Heshiiskan ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Mudanayaasha ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta saddexaad ee heshiiska, si dib loogu soo bandhigo Golaha loona qaado cod.

Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles