Wednesday, April 15, 2026

Mareykanka iyo Itoobiya oo ka wadahadlay dagaalka Al-shabaab iyo arrinta Badda Cas

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo taliyaha ciidamada, Birhanu July ayaa la kulmay taliyaha ciidamada Mareykanka ee taliska Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson shan iyo labaatankii bishan.

Sarkaalkan sare ee Mareykanka ayaa booqan doono magaalada caasimada ee Addis Ababa si halkaas uu madaxda dalka ugula yeesho wadahadal ku saabsan arrinta Badda Cas iyo danaha Itoobiya sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha dalkaas.

“Waxaan saakay la kulmay taliyaha ciidamada Marekanka ee Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson kaas oo aan kala hadlay arrimaha ammaanka gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac” ayuu ku qoray bartiisa bulsho raysalwasaare Abiy Axmed.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson, wuxuu kaloo la kulmay Janaraal Birhanu July oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya. Labada mas’uul ayaa ka hadlay sidii ay isu kaashan lahaayeen dalalka ay ku yaalaan xeryaha qaxootiga si loo helo xasilooni.

Sida ay sheegtay wasaarada difaaca Itoobiya, labada dal ayaa in muddo ah ka wada shaqeynayay arrimo badan oo ay ku jiraan militeriga.

Taliyaha ciidamada wuxuu sheegay in uu sii xoogeysanayo xiriirka militeri ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Mareykanka.

Janaraal Birhanu July waxa uu kaloo sheegay in Itoobiya ay sii wadeysoo dadaalkeeda ay ku wiiqeyso Al-shabaab si looga hortago arrimaha argagixisada iyo shirqooladooda.

Isagoo ka mahadceliyay kaalinta Itoobiya ee gobolka looga hirgelinayo nabadda iyo xasiloonida, ayuu sheegay Janaraal Dagvin RM Anderson in dalkiisa uu sii wadayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika waxa uu sheegay in uu taageerayo nidaamka Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hesho bad iyadoo la marayo hab nabadeed, waxa uuna sheegay in uu rumeysan yahay in Itoobiya ay wax badan ka qabaneyso ammaanka marka ay awood u hesho in ay gaari karto Badda Cas.

Janaraal, Dagvin RM Anderson, wuxuu kaloo sheegay in uu Itoobiya dhankeeda kala hadlayo baahida dhinacooda ka jirta iyo qorshooyinka lagu xaqiijinayo ammaanka xeryaha qaxootiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles