NISA oo gacanta ku dhigtay 11 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay gacanta ku dhigeen shabakad ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka kooban ilaa 11 xubnood, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay magaalada Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyaadkan Al-Shabaab ayaa lagu tuhmayay inay qorsheynayeen shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qariyaan bulshada rayidka ah.

“Ciidamada NISA oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay, iyagoo qaarkood lagu soo qabtay iyagoo gacanta kula jira falal argagixiso.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska NISA ayaa sheegay in xubnahan la soo qabtay loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh, si loogu qaado tallaabo sharci ah oo waafaqsan dambiyada ay ku eedeysan yihiin.

Sidoo kale Taliska NISA ma soo bandhigay sawirada iyo magacyada xubnahan ay sheegteen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ay gacanta ku soo dhigtay.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxay mar kale xaqiijinaysaa inay sii wadi doonto dadaallada ay ku baacsaneyso maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo sugo amniga dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.” ayay sii raacisay warkeeda.

 

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles