Trump oo markale u gafay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ka hadlayay weerar ka dhacay meel u dhow Aqalka Cad ee dalkaas, islamarkaana lagu toogtay laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa soo hadal qaaday Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka Minnesota.

Trump ayaa markale weerar afka ku qaaday Soomaaliya.

“Soomaalida Minnesota waxey ka yimaadeen dal aan dowladi ka jirin, sharci ka jirin, biyo la’aan ah, milatari laheyn oo aan waxba ka jirin,”.

Madaxweyne Trump ayaa tusaale u soo qaatay mar kale Soomaalida Mareykanka gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minesota oo u sheegay in ay burburiyeen isla markaana halkaa ay ka gaystaan falal isugu jira dhac iyo dilal.

Dhanka kale wuxuu ku tilmaamay in Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareyska Mareykanka ay tahay wakiilka Soomaalida, isla markaana u sheegto dadweynaha Mareykanka waxyaabaha ku saabsan dastuurka dalkaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Trump uu weerar afka ah ku qaado Soomaalida dalkaasi ku dhaqan iyo dalka Soomaalliyaba, oo dhowr mar ayuu meelo fagaara ah iyo shirarba ku soo hadal qaaday isagoo mar walba xiriiriya Xildhibaanad Ilhaan iyo dowladnimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles