Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay gacanta ku dhigeen shabakad ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka kooban ilaa 11 xubnood, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay magaalada Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Maleeshiyaadkan Al-Shabaab ayaa lagu tuhmayay inay qorsheynayeen shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qariyaan bulshada rayidka ah.
“Ciidamada NISA oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay, iyagoo qaarkood lagu soo qabtay iyagoo gacanta kula jira falal argagixiso.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Taliska NISA ayaa sheegay in xubnahan la soo qabtay loo gudbin doono hay’adaha ku shaqada leh, si loogu qaado tallaabo sharci ah oo waafaqsan dambiyada ay ku eedeysan yihiin.
Sidoo kale Taliska NISA ma soo bandhigay sawirada iyo magacyada xubnahan ay sheegteen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ay gacanta ku soo dhigtay.
“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxay mar kale xaqiijinaysaa inay sii wadi doonto dadaallada ay ku baacsaneyso maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo sugo amniga dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.” ayay sii raacisay warkeeda.



