Tuesday, January 13, 2026

Trump oo markale u gafay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ka hadlayay weerar ka dhacay meel u dhow Aqalka Cad ee dalkaas, islamarkaana lagu toogtay laba askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa soo hadal qaaday Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool gobolka Minnesota.

Trump ayaa markale weerar afka ku qaaday Soomaaliya.

“Soomaalida Minnesota waxey ka yimaadeen dal aan dowladi ka jirin, sharci ka jirin, biyo la’aan ah, milatari laheyn oo aan waxba ka jirin,”.

Madaxweyne Trump ayaa tusaale u soo qaatay mar kale Soomaalida Mareykanka gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minesota oo u sheegay in ay burburiyeen isla markaana halkaa ay ka gaystaan falal isugu jira dhac iyo dilal.

Dhanka kale wuxuu ku tilmaamay in Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareyska Mareykanka ay tahay wakiilka Soomaalida, isla markaana u sheegto dadweynaha Mareykanka waxyaabaha ku saabsan dastuurka dalkaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Trump uu weerar afka ah ku qaado Soomaalida dalkaasi ku dhaqan iyo dalka Soomaalliyaba, oo dhowr mar ayuu meelo fagaara ah iyo shirarba ku soo hadal qaaday isagoo mar walba xiriiriya Xildhibaanad Ilhaan iyo dowladnimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles